October 7, 2025

Dagaalo Xoogan Oo Ka Socda Degmada Moqokori Iyo Ciidanka Degaanka Iyo CXD Oo Iska difaacay Alshabaab

Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in maleeshiyaad ka tirsan  Al-shabaab ay weerar culus oo qarax ku bilowday ku qaadeen ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ee ku sugnaa bannaanka degmada Moqokori.

Weerarka ayaa la sheegay inuu ka bilowday qarax ismiidaamin ah, iyadoo la adeegsaday gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa.

Gaarigaasi ayaa lagu dhuftay goob ay ku sugnaayeen ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka, kuwaas oo goobta ku sugnaa.

 

Xaaladda degmada Moqokori iyo degaanada la xiriira ayaa kacsan, iyadoo warar dheeraad ah laga helayo dagaalo culus oo saaka ka qarxay halkaasi.

Weerarka hore ayaa ka dhacay gudaha xarunta degmada Moqokori, kaasoo loo adeegsaday Gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa oo uu waday qof is-miidaamiye ah, kaasoo lagu wareeray xaruntii ciidamada dowladda iyo kuwa Macawisleyda Gobolka Hiiraan.

Weerarka labaad oo ahaa mid toos ah ayaa ka dhacay degaanka Gumarre ee duleedka degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, halkaas maalmahan dagaalo qaraar ku dhex marayeen labada dhinac.

Dagaal xooggan oo la xaqiijiyay inuu ilaa Hadda  socdo ayaa sheegay in maleeshiyada Al-shabaab gudaha u galeen degmada Moqokori. Sida ay noo sheegeen Saraakiisha ciidamada degaanka, wuxuu dagaalku ka socdaa gudaha Moqokori.

Al-shabaab ayaa sheegtay inay la wareegtay Moqokori ayna ku dileen in ku dhow 50 askari, balse ma jirto cid xaqiijisay sheegashadan, iyadoo aanay weli wax war ah oo rasmi ah kasoo bixin dowladda Federaalka, HirShabeelle iyo Maamulka Gobolka Hiiraan.

Warbaahinta dowlada  ayaa  lagu qoray in Ciidamada Qaranka iyo dadka deegaanka ay ka hortageen weerar Khawaarijtu ay maanta ku qaadeen deegaanka Gumare oo hoos taga degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, isla markaasina lagu jebiyay oo firxadkooda la sii baacsanayo.

Khasaare badan ayaa ka dhashay dagaalkan, waxaana lasoo weriyay in xubno ka tirsan macaawisleyda Gobolka Hiiraan oo ay ka mid yihiin hoggaamiyeyaayaal caan ka ah gobolka Hiiraan.

Degmada Moqokori ayaa ah istaraatiiji, iyadoo  xiriirisa gobalada Hiiraan, Shabeelada dhexe iyo Galgaduud, Waxay xarun u ahayd isu gudbinta sahayda iyo dhaq-dhaqaaqa ciidamada dowladda iyo Macaawisleyda deegaanka ka hawlgala.

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*