October 7, 2025

Maxaa Ka Jira In Dowladda Soomaaliya ay ciidan ka qoranayso gobolka Sanaag?

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xaqiijisay inay ciidamo ka qoranayso gobolka Sanaag, si ay warbaahinta u sheegeen masuuliyiin ka tirsan DFS oo gobolkaas ka soo jeeda.

Wasiirka Ganacsiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya xildhibaan Geesood oo arrintaas ka hadlay ayaa sheegay inay gobolka joogaan ciidan dadka deegaanka ah oo doonaya inay ku biiraan xoogga dalka, asagoo sheegay in arrintaasi ay tahay waajib dowladdu leedahay oo aan cidna halis ku ahayn.

Hadalka Wasiirka ayaa ku soo beegmaya xilli madaxweynaha Puntland uu dhowaan ka digey ciidamo uu sheegay inay dowladdu ka qoranayso deegaannada maamulkiisa, taas oo uu ku tilmaamay mid nabad-gelyada halis ku ah.

Si kastaba ha ahaate dhalinyarada somaliyeed ayaa ah ku wa aan shaqo heeysan balse halka fursad ee u banaan in ay tahay in ay ka mid nmaqdaan Ciidanka Dowlada Federalka Somaliya Ama Kuw a Dowlad Goboleedka dalka ka dhisan,

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*