
Sida ay wararka sheegayaa Waxaa socda dadaalo lagu xoojinayo Aqoonsiga Dowlad goboleedka SSC Khaatumo, iyada oo dadka deegaanno kamid ah gobolka Sanaag ay daneynayaan in ay ku soo biiraan maamulka.

Kulamo ayaa ka kala socda magaalada Laascaanood ee gobolka Sool iyo Ceelhura oo ka tirsan gobolka Sanaag.
Sidoo kale Maamulka SSC Khaatumo ayaa billaabay wada tashiyo la xiriira dhammeystirka dowlad goboleedka, iyada oo kulamo ay ka dhaceen Caasimadda SSC Khaatumo.
Dhanka kale Hoggaamiyaha dowlad goboleedka SSC Khaatumo ayaa la kulmay Odoyaasha dhaqanka ee qaar kamid ah deegaannada maamulkaasi.
Hoggaamiye Firdhiye ayaa ugu baaqay bulshada deegaanka in ay ka shaqeeyaan dhismaha dowlad goboleedka SSC Khaatumo.
Maamulka SSC ayaa la qorsheynaya inuu ka koobnaado saddex gobol, iyadoo dowladda Federaalka ay magacaawday guddi ka kooban 8 xubnood oo ka soo talo bixin doona howlaha dhismaha dowlad goboleedyada.
Dhinaca kale, ciidanka Puntland iyo Somaliland ayaa dhaqdhaqaaqyo ciidan ka wada gobolka Sanaag, halkaasi oo ay ka socdaan kulmada dadka deegaanka.
Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag