
Sida uu sheegay Wasiiru dowladaha arrimaha dibada Soomaaliya Cali Balcad in madaxweynaha Hirshabelle Ku Howlan yahay in uu qabto Doorasho Dadban Hase ahaatee waxaa ugu digay qabashada doorasho dadban, isagoo ku eedeeyay inuu xiligan ku mashquulsan doorasho dadban oo xiligeeda dhammaatay.

Sidoo kale Waxaa nasiib daro wayn ah in xilli uu dalku isku diyaarinayo doorasho loo dhan yahay oo ay socoto diiwaan gelintii codbixiye yaasha, iyadoo aan maalin dhawayd arkaynay sawiradda Madaxwaynayaasha Gal-Mudug iyo K/Gabalbeed oo saf ugu jira is diiwaangelinta doorashada qof iyo cod in uu Maamulka HirShsbelle ee Madsxwayne Cali Guudlaawe ku mashquulsan yahay qabashada doorasha dadban oo uu xiligeedi dhamaaday ayuu yiri Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibeda Cali Balcad.
Dhanka kale Wasiirka ayaa ku eedeeyay Madaxweeyne Cali Guudlaawe in Doorasho ku sheega maanta lagu qabtay degmads Balcad waana arrin Qatar ku ah heshiisyadii ay horay u gaareen Golaha Wadatashiga Qaran iyo Shuruucdii ay ansixiyeen goloyaasha qaran.”
Ugu danbeeyntii Waxaan ugu baaqayaa Madaxwayne Cali Guudlaawe sida saaxibadiisa Madaxwayne Ahmed Qoor Qoor iyo Madaxwayne Cabdicadiis Laftagareen in uu isku howlo diyaar garowga doorashada uu heshiiskeeda wax ka saxiixay oo aannu ku mashquulin doorasho xiligeedii dhamaaday abuuraysana qilaaf iyo iska hor imaad beelaha nabada ku wadanool. ee ku sugay deeganada nabada ah ,
Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag