October 7, 2025

Xamaas Oo Ka Hadlay Xabad Joojinta Cusub ee La Gu Dhawaaqayo ee GAZA

Ururka Xamaas ee Falastiin ayaa sheegay in jawaabtooda ku aaddan xabad joojintii dhawaan la soo jeediyay ay u gudbiyeen dhexdhexaadiyeyaasha Qatar iyo Masar.

Ururka Xamaas ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in ay dhexdhexaadiyeyaasha u gudbisay jawaab togan, oo ay ka bixisay soo jeedintii ugu dambeysay ee xabad joojinta.

Xamaas ayaa bayaankeeda ku sheegtay in ay bixisay jawaab wanaagsan oo la xiriirta aragtideeda ku aaddan soo jeedinta xabad joojinta cusub ee 60-ka maalmood ah ee Mareykanku uu taageeray.

Dhanka kale Xamaas, Israel iyo Mareykanka midna ma faah faahin shuruudaha xabad joojinta, balse waxaa la rumeysan yahay in Xamaas laga dalbaday inay sii deyso 10 maxbuus iyo inay wareejiso meydadka 18 qof, taas oo ay ku bedelaneyso in Israel ay joojiso weeraradeeda militari ee Gaza iyo in gargaarka bani’aadantinimo la fasaxo.

Xabad joojinta la soo jeediyay ayaan lahayn wax damaanad qaad ah in aanu dagaalka dib uga bilaaban doonin Marinka Gaza.

Ururka Xamaas ayaa la sheegay in ay aqbashay qorshaha guud ee xabad joojinta, balse ay codsatay in wax ka bedel lagu sameeyo qodobada qaarkood, sida in Mareykanku uu damaanad qaado in dagaalku uu ku egyahay marka ay xabad joojintu dhaqangasho, haddii iyaga iyo Israel ay isku fahmi waayaan wada hadalada soo socda ee la doonayo in lagu dhameeyo dagaalka.

 

Dhinaca kale Dowladaha Mareykanka, Qatar iyo Masar ayaa qaban-qaabinaya kulamo aan toos ahayn, oo Saraakiisha Xamaas iyo Israel ay kaga arrinsanayaan Xabad jojinta ka dib ee lixdanka cisho ah.

Madaxweyne Trump ayaa Talaadadii sheegay in Isniinta soo socota uu kulan adag la yeelan doono Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu, marka uu soo booqdo Aqalka Cad, isla-markaana uu kala shaqayn doono baahida loo qabo in la soo afjaro colaadda Gaza.

Ajandaha ugu muhiimsan ee kulankooda Washington ayaa lagu sheegay arrinta Gaza iyo weeraradii Israel & Mareykanka ay bishii June ku beegsadeen xarumaha nuclear-ka ee Iran.

“Waxaan raadinaynaa in xabad joojinta Gaza ay dhacdo toddobaadka soo socda.” Ayuu yiri Trump oo muujiyay in Israel uu ku cadaadin doono in ay si dhakhsa ah u joojiso duqaymaheeda Gaza.

Hoggaamiyaha martida loo yahay ayaa si cad u sheegay rabitaankiiisa ku aaddan in xabad joojin laga sameeyo Gaza, laakiin illaa iyo hadda ma bixin wax damaanad qaad ah oo uu ku xaqiijinayo in dagaalku aanu dib uga soo cusboonaan doonin Gaza.

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*