October 7, 2025

Dagaal Xoogan Oo Maanta ka Dhacay Duleedka degmada Moqokori ee G/Hiiraan

Wararka ka imaanaya G/Hiiraan ayaa sheegaya in haatan uu dagaal culus ka socdo duleedka degmada Moqokori ee Gobolkaasi, waxaa uuna dagaalka uu u dhexeeya ciidamada  deegaanka iyo maleeshiyaadka Al-shabaab.

Dagaalka Xooggan ayaa waxaa uu ka socdaa deegaanka Gumare ee duleedka degmada Moqokori, waxaana saaka dagaalka qaaday ciidamada deegaanka, iyagoona weeraray fariisamo ay maleeshiyaadka Al-shabaab halkaasi ay ku leeyihiin.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii ciidanka Macawiisleeyda  ay weerar ku qaadeen xubno ka tirsan maleeshiyaadka oo la sheegay inay isku aruursanayeen deegaanka Gumare, iyadoona ugu dambeyntii uu qarxay dagaal culus.

Wararka ayaa sheegaya inuu jiro khasaare soo gaaray dhinacyada ku dagaalamaya deegaanka, inkastoo aan si rasmi ah loo ogaan karin khasaaraha ka dhashay dagaalka.

Dhanka kale Mana jiraan weli wax war ah oo ka soo baxay maamulka G/Hiiraan, Hirshabelle iyo dowladda Soomaaliya.

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*