October 7, 2025

Horjoogayaal Ka Tirsan Al-shabaab iyo ilaaladoodii Oo Lagu dilay Gobolka Sh/Dhexe

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysnaa oo ciidanka Macawiisleeyda gobolka Shabeellaha Dhexe ka fuliyeen deegaanka Guulane ee gobolkaas.

Howlgalkaan oo dhacay galinkii dambe ee Shalay ayaa lagu dilay laba ka mid ah horjoogeyaasha Al-shabaab ee gobolka Shabeellaha dhexe iyo xubo kale oo ka mid ahaa ilaaladoodii.

Horjoogeyaashan ayaa magacyadooda lagu kala sheegay Cali Abuukar Maxamed Saaqle oo loo yaqiinay Cali Xabad iyo Maxamed Caddow Ciise, waxaana goobta lagula dilay laba ka mid aheyd ilaaloodii.

Taliyaha Macawiisleyda ee aagga Guulane Axmed Dhagey Xuurshow oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa u sheegay in howlgalkaan uu ahaa mid u dhacay sidii ay u qorsheyeen.

“Horjoogayaashan waxay ahayeen xubno door muuqda ku lahaa hagista weerarada ay geystaan Khawaarijta gobolka Shabeellaha Dhexe, dhagartooda maanta ayaan soo afjarnay oo aan ku dilbay howlgal barakeysan” ayuu yiri Taliyaha ciidan Macawiisleyda aag Guulane Axmed Dhagey Xuurshow

Taliye Axmed Dhagey ayaa sidoo kale xusay in howlgaladaan noocaan oo kale ah oo ay ku beegsanayaan horjoogayaasha kooxda Al-shabaab ee ku sugan deegaanada gobolka Shabeellaha Dhexe iney sii wadi doonaan inta ka saarayaan kooxdu guud ahaan gobolka Shabeellaha Dhexe. 

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*