October 7, 2025

R/Wasaare Xamsa Oo Ciidan Tababar u Soo Xiray Saraakiil Ka Tirsan Gorgor

R/Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa tababar u soo xiray saraakiil, saraakiil-xigeenno iyo cutubyo ka tirsan ciidanka Gorgor ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, kuwaas oo tababbaro kala duwan ku soo qaatay dalka Turkiga iyo Kulliyada Tababbarka Ciidamada ee Turkiga (TurkSom).

R/ Wasaaraha ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya, ay ku howlan tahay dhismaha ciidan Qaran oo loo dhamaystiray aqoon iyo hoggaamin wanaagsan, si loo xaqiijiyo himilada dowladnimada, taas oo ay saldhig u tahay dhismaha ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed.

R/Wasaare Xamsa, ayaa tilmaamay in difaaca dalka iyo xoreyntiisa ay tahay mudnaanta kowaad ee uu leeyahay ciidanku, sidaas darteed Askariga Soomaaliyeed uu leeyahay karaamo iyo mudnaan gaar ah.

“Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed waxaa ay laf-dhabar u yihiin dowladnimo xooggan oo isku filan, sidaasi darteed waa in aad qaadaan masuuliyadeeda, waxa aad u diyaar-garowdaan in aad dalkeenna ka xoreysaan cadowga oo soo celisaan qiimaha, sharafka iyo midnimada ummadda Soomaaliyeed”. Ayuu yiri Mudane Xamsa Cabdi Barre.

Dhanka kale Ra’iisul Wasaaraha, oo dardaaran u jeediyay ciidanka tababbarka qaatay, ayaa xusay in cutubyadani ay door weyn ka ciyaari doonaan dadaallada dowladdu ugu jirto xaqiijinta amniga dalka iyo la-dagaallanka kooxaha Khawaarijta ah oo caqabad ku ah amniga iyo midnimada dalkeenna.

Ugu danbeeyntii Raiisul Wasaare Xamsa, ayaa uga mahadceliyey dowladda aan walaalaha nahay ee Turkiga shacabkooda iyo Xukuuumaddooda, dadaalkooda iyo garab istaagga ay u muujiyeen shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed.

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*