
Waxaa maanta xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya dib uga furmay wadahadal u dhaxeeya Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madasha samatabixinta Soomaaliyeed ee Mucaaradka Dowladda Soomaaliya.

Labada dhinacba waxay qorsheynayaan inay soo dhisaan guddiyo ka xaajooda qodobada ay miiska soo saareen si mowqif hal ah ay meesha uga soo baxdo.
Mucaaradku waxay rajo ka muujiyeen in horumar laga sameen doono qodobada la isku haayo inta ay dawladu muujineyso dabacsanaan.
Labadaan dhinac ee isku hayaa siyaasadda ayaa ku heshiiyey in aan dib loogu laaban hannaankii doorashada dadban ee 2022-ka oo ay u arkeen in uu khalad weyn uu ka jiro.
Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag