October 8, 2025

Madaxweynaha Puntland oo ka Hadlay Ciidamada uu Sheegay in Laga Qorayo Deegaanada Maamulka Puntland

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo ka hadlay munaasabad lagu qabtay Magaaladda Garoowe ayaa sheegay inay jiraan dad ciidamo ka qoraya deegaannada maamulkaas, ayagoo aan Xukuumaddiisa oggolaansho ka haysan.

Madaxweeyne Deni ayaa  tilmaamay in dad laabtoobyo Heeysta ay dhex wareegayaan magaalooyinka Puntland si ay ciidamo qarsoodi ah halkaas uga qoraan, asagoo ka dhigey in arrintaasi ay halis weyn abuuri karto  Maamulka Puntland.

” waxaa nasiib darro ah in maalin walba wiilal laabtoobyo Heeysta ay leeyihiin Puntland baan ciidamo ka qoranaynaa oo qarsoodi ah oo ay hadda meel ka laabanayaan” ayuu yiri Madaxweyne Deni.

Madaxweynaha Puntland wuxuu intaas ku daray in maamulkiisu haddii tilaabayo ka qaadi lahaa dadkaas ciidamada qoraya lagu fasiri doono cabburin, wuxuuna dadweynaha ugu baaqay inay arrintan ka garsooraan.

Maamulka Puntland ayaa horay ugu eedeysay siyaasiyiinta deegaannadeeda ka soo jeeda ee dowladda federaalka Soomaaliya ku jira inay ciidamo qoris ka wadaan deegaanada maamulkaas. inkasto uusan sheegin Dadka Qoranaya Ciidanka Iyo Halka ay ku wajahan yihiin Ciidankaasi.

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*