October 8, 2025

Ciidanka Macaawiisleeyda Daarul-nicma Oo Dilay Horjooge Faracadde Alshabaab

Ciidamada deegaanka gaar ahaan Macaawislayda Daaru-Nimca ayaa howlgal gaar ah fuliyay   Waxaana ay ku dileen  horjooge caan ka ahaa deegaanadaasi Asigoo Ku Haayay dhibaatooyin Xoogan  Waxaana   lagu magacaabi jiray Faracadde.

Howlgalka ayaa si gaar ah uga dhacay gudaha deegaanka Daaru-Nimca, halkaas oo ay si toos ah ugu galeen fariisin ay kooxda Al-Shabaab ku lahayd.

Ciidamada deegaanka ayaa ku guuleystay inay halkaasi ku toogtaan Faracadde, oo u qaabilsanaa kooxda dhanka miinooyinka, isla markaana lagu eedeeyay inuu deegaanka ka geystay falal badan oo gumaad iyo dhaawac isugu jira.

Saraakiisha deegaanka ayaa sheegay in Faracadde uu ahaa shaqsi khatar badan oo muddo dheer lagu raad-joogay.

sidoo kale Waxaa  la sheegay in ciidamada Macaawislayda ay gacanta ku dhigeen qorigiisii, waxaana si rasmi ah loogu soo bandhigi doonaa deegaanka Caddaan-laxey. ee Ka Tirsan Degmada Ruun-nirggod ee G/SH/DHEXE

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*