October 7, 2025

Maxay Ka Wada Hadleen R/Wasaaraha Qatar Iyo Madaxweyne Cirro?

Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Qatar ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda Sheikh Mohammed bin Abdulrahman Al-Thani ayaa maanta si rasmi ah ugu qaabilay magaalada Doha Madaxweynaha Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan MaxamedCabdillaahi(Cirro), oo booqasho rasmi ah ku jooga dalkaasi.

Kulanka labada mas’uul ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka labada dhinac, horumarinta iskaashiga dhinacyada ganacsiga, maalgashiga, tamarta, iyo arrimaha bini’aadantinimada.

R/Wasaaraha Qatar ayaa dhankiisa bogaadiyay dadaallada nabadeed ee ka socda Geeska Afrika, isaga oo ballanqaaday in Qatar diyaar u tahay inay kaalin muuqata ka qaadato horumarinta dhaqaalaha Somaliland, gaar ahaan dhismaha kaabeyaasha dhaqaalaha.

Dhanka kale Booqashada Madaxweyne Cirro ee Qatar ayaa la filayaa in ay socoto muddo dhowr maalmood ah, iyadoo uu kulamo la yeelan doono mas’uuliyiin kale oo sare oo ka tirsan dowladda Qatar iyo ganacsato doonaya in ay maalgashi ka sameeyaan gobolka.

Si kastaba ha ahaatee Waa markii ugu horreysay ee Madaxweyne Cirro si rasmi ah loogu casuumo dalka Qatar tan iyo markii loo doortay hoggaanka Somaliland horraantii 2025. Sidoo kale Madaxweeyne Cirro ayaa u muuqda mid ku shaqeeynaya Siyaasad Nabdoon ,

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*