
Wasiirka amniga Soomaaliya ayaa ugu baaqay dhinacyada ku dagaalamaya Degmada Caabud-waaq ee gobolka Galgaduud in ay joojiyaan dagaalka.

Cabdullahi Sheekh Ismaciil Fartaag, ayaa si adag u sheegay in lala xisaabtami doono dadka Colaadda hurinaya, isagoo ugu baaqey Culimada, Odayada dhaqanka, Waxgaradka in ay dhexda u xirtaan sidii loo joojin lahaa dagaalka.
Wasiirka ayaa sidoo kale yiri: “Hay’adda amniga ee Galgaduud iyo tan Maamulkuba wa inay ka shaqeeyaan sidii nabad loo dhex-dhigi lahaa beelaha dagaalamaya, sharcigana loo geyn lahaa kuwa hurinaya Colaadda”.
Hadalka wasiirka ayaa imaanaya kadib markii uu dagaal ka dhacay shalay magaalada Caabud-waaq, kaas oo ay ku dhinteen ilaa 4 ruux oo isugu jira dhicyadii dagaalamay iyo shacab halkaas ku sugnaa.
Dagaalkan ayaa dhacay kadib markii uu khilaaf ka yimid dhismaha saldhiga booliska ee magaalada Caabud-waaq.
Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag