
Wararka laga Helayo Degmada Aden Yabaal ayaa sheegaya in duqeyn ka dhacday lagu dilay horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan Al-shabaab.

Howlgalka ayaa ka dhacay guri ku yaala degmada Aadan Yabaal, halkaasi Oo la sheegay inuu shir ugu socday horjoogayaasha iyo Maleeshiyada Al-shabaab.
“Howlgal culus oo ay si wadajir ah u fuliyeen Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) iyo Saaxiibada Caalamka ayaa lala beegsaday horjoogayaal ka tirsan khawaarijta oo ku sugnaa Degmada Aadan Yabaal oo kamid ah Gobolka Sh/Dhexe.” NISA ayaa Sidaa Shegtay.
Sidoo kale Howlgalkaasi ayaa lagu fuliyay guri ku yaalla xaafadda Howlwadaag ee degmada Aadan Yabaal,
Dhanka kale Hoygaasi lagu weeraray horjoogayaasha ayaa ayaa uu ahaa keydka qaraxyada iyo hubka culus ee kocdaasi,waxaana fabi ahaan la burburiyay gurigaasi iyo wixii ku jiray”.
Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag