
Da’yarka kooxda Barcelona, Pau Cubarsi, ayaa qirtay inuu ku daydo daafaca Liverpool, Virgil van Dijk, marka la weydiiyay haddii uu daawado daafacyo kale. Wuxuu xusay inuu aad u jecel yahay tayada Van Dijk ee hoggaaminta iyo difaaca.

Cubarsi weli ma uusan wajahin Van Dijk kulan rasmi ah, balse waa mid ka mid ah xiddigaha difaaca ee aadka loo qiimeeyo xilligan. Dhanka kale, Van Dijk ayaa si buuxda isugu muujiyay inuu yahay mid ka mid ah daafacyadii ugu wanaagsanaa jiilkiisa, isagoo weli heerka sare ka ciyaaraya xitaa da’da 33 jirka.
Cubarsi, oo bishii hore 18 jirsaday, ayaa horeyba loogu tixgelinayaa mid ka mid ah daafacyada ugu fiican ee jiilkiisa, isagoo noqday daaficii ugu da’da yaraa ee Spain taariikhda u safta. Wuxuu u muuqdaa mid jidka u haya inuu raaco raadkii Van Dijk.
“Haah, aad baan u jeclahay daawashada Premier League waxaana aad u ixtiraamaa Van Dijk,” ayuu Cubarsi u sheegay SPORT intii lagu jiray wareysi.
“Waa difaac leh awood jidheed oo cajiib ah iyo xirfad difaac oo sareysa. Sidoo kale waa hoggaamiye weyn. Aniga si dhow ayaan ula socdaa sida uu u ciyaaro.”
Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag