
Mareykanka ayaa saldhigyadiisa ku yaala gobolka Bariga Dhexe, heegan sare galiyey, Muwaadiniintiisa ku sugan dalalka Khaliijka ayaana la faray in ay gabaadyo ku dhawaadan, lana socdaan digniinaha ka imaanaya Safaaradaha dalalka ay joogaan.

Sidoo kale Waxaa la sheegayaa In ay Cabsi Xoogan Soo Wajahday Mareekanka Hase ahaatee waxay ka dhigan tahay in Mareykanku hayo xog dhab ah oo ah in ay Iran go`aansatay in ay weeraro ku qaado saldhigyada Mareykanka ee gobolka.
Weerarada Aargoosiga Iran ee ka dhanka ah ciidamada Mareykanka ee kusugan gobalka Bariga Dhexe ayaa dhici kara labada maalmood ee soo socda sida ay ku warantay wakaaladda wararka ee Reuters oo xiganaysa saraakiil amni oo labada dhinac ah.
Dhanka kale Taliyaha guud ee ciidanka dalka Iran Sareeye Guuto Abdolrahim Mousavi ayaa xaqiijiyey in ay Iran ka jawaabi doonto weerarkii Mareykanka ku qaadeen xarumahooda Nuclear-ka.
“Jawaab la’aan ma jirayso insha Allaah, ciidamada Iran waxay sii wadi doonaan inay ku ciqaabaan Netanyahu si xoog ah, ilaa laga keeno quus iyo murugo” ayuu yiri Muosavi.
Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag