October 7, 2025

Agaasimihii Hore NISA Oo Mar kale Ku Soo Laabtay Golaha Shacabka ee Barlamanka

Agaasimihii Hore ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) ayaa si rasmi ah loogu doortay mar kale Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, isagoo ku guuleystay kursiga #HOP058. Tani waxay noqonaysaa markii saddexaad ee uu ku fadhiisto kursigan muhiimka ah.

Xildhibaan Sanbaloolshe ayaa sanad ka hor iska casilay kursiga kadib markii loo magacaabay Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), xilkaas oo laga qaaday toddobaad kahor.

Sidoo kale Ku soo laabashadiisa baarlamaanka ayaa loo arkaa talaabo istaraatiiji ah oo muujineysa in uu markale kusoo laabanayo saaxadda siyaasadeed ee heer qaran.

Dhanka kale Kursigan #HOP058 wuxuu ka mid yahay kuraasta ugu miisaanka culus, waxaana lagu tilmaamaa mid fure u noqon kara loolan siyaasadeed oo cusub, xilli dalka uu wajahayo marxalad kala guur ah oo ay ka socdaan doodo ku saabsan dib u eegista Dastuurka, Doorashooyinka iyo arrimaha amniga.

Indhaha siyaasadda ayaa hadda ku sii jeeda Sanbaloolshe, iyadoo la saadaalinayo halka uu ka bilaabi doono dhaqdhaqaaqiisa cusub, iyo in uu qeyb ka noqon doono miisaanka awood qeybsiga cusub ee siyaasadda dalka

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*