October 7, 2025

Dowlada Iran oo Gantaal cusub ku weerartay xarunta Mossad iyo taliska milatariga Isra’il

Sida ay Sheegeen Taliska Ciidanka Milatariga Iran, waxa ay  maanta mar kale weerar culus oo gantaalo ah  ay ku qaadeen magaalooyinka Tel Aviv iyo Qudus ee maamulka Israa’iil, waxa ayna Iran si gaar ah weerararooda ugu beegsadeen xarumo ciidan oo bartilmaameed u ahaa.

Weerarkan Dowlada Iran ay saakay fulisay ayaa loo adeegsaday gantaalo culus oo dhallin kara khasaarooyin badan, waxaana gantaalahan qaarkood ku dhaceen bartilmaameedydaii loogu tala galay, sida laga soo xigtay saraakiil katirsan dowladda Iran.

Afhayeen u hadlay wasaaradda Difaaca dowladda Iran, ayaa sheegay inay ciidanka Iiraan, weerarradii ay maanta ku qaadeen magaalooyinka Tel Aviv iyo Qudus u adeegsadeen gantaal nuuc cusub oo leh awood dheeraad oo  wax burburin ah.

Sidoo kale Waxa uu sheegay afhayeenka in gantaaladan saakay adeegsadeen in uu burbur ka dhaliyay xarumaha hay’adaha amniga Israa’iil,  gaar ahaan xarunta ay leeyihiin sirdoonka Israa’iil ee Mossad iyo taliska ciidanka milatariga Israa’iil.

Gantaaladan casriga ah ee lagu dhuftay xarumaha Mossad iyo tan muilatariga Israa;’iil, ayaa la sheegay in burbur xooggan dhaliyeen, lamana shaacin ilaa hadda in weerarkan ka dhashay khasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*