October 7, 2025

Maxay kawada Hadleen Madaxweyne Laftagareen Safiirka dowladda Mareykanka u Jogo Muqdisho?

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Magaalada Muqdisho kulan kula qaatay Danjiraha Dowlada Marekanka ufadhiya Soomaaliya Ambassador Richard H. Riley

Madaxweyne Laftagareen iyo Danjire Richard H. Riley ayaa kulankooda kaga wada hadlay Sidii dib loogu soo celin lahaa Mashaariicdii Dowlada Marekanka ay ka waday Deeganada Koonfur Galbeed, Xaalada Guud ee Siyaasada Soomaaliya iyo Xaqiijinta Amniga guud Deeganada Koonfur Galbeed.

Dhanka kale Madaxweeye Laftagareen ayaa Danjiraha Mareykanka uga warbixiyay horumarada ka jira deegaannada Koonfur Galbeed, waxa uuna ka codsaday Mareykanka in ay ka taageeraan dhinacyo badan.

Ugu danbeeyntii Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ayaa maalmahan waday kulamo uu la qaadanayay qaar kamid ah wakiillada beesha caalamka, kuwaa uu kala hadlayay taageerada maamulkiisa iyo xaalada siyaadadeed ee dalka.

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*