October 7, 2025

R/Wasaare Xamsa Oo Ka Qeeyb galay shirka ka socda Muqdisho iyo qodobo culus uu ka hadlay

R/Wasaraaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  Xamsa Cabdi Barre, oo guddoomiyey Gogosha Wadatashiga Qaran oo maalintii 2-aad ka socota Muqdisho, ayaa ka warbixiyey Siyaasadda Xukuumadda DanQaran ee ku aaddan dhinacyada midnimada, amniga, doorashooyinka, dhammeystirka Dastuurka, dowlad-dhiska dalka, horumarinta dhaqaalaha, iyo Qorshaha Qaran ee (NTP).

Sidoo kale Xamsa, ayaa tilmaamay in dalkeennu uu marayo marxalad muhiim ah oo loo baahan yahay in la adkeeyo wadajirka ummadda, si looga gudbo caqabadaha jira, isla markaana xal maangal ah loogu helo wax walba oo khilaaf ah.

 

“Soomaaliya waxa ay maraysa xilligii loo guuri lahaa siyaasad ku dhisan mabaaddi, fursadna loo siin lahaa in muwaadinka Soomaaliyeed la doorto, waxna uu doorto, gogoshan waa gogol aan cidna laga tagin, waxaanna laga qeybgaliyey dhammaan qeybaha bulshada, waxaa jooga dhammaan dadkii doonayey in ay hoggaanka qabtaan”.

 

R/Wasaaraha, ayaa u soo jeediyey ummadda Soomaaliyeed in ay u midoobaan ciribtirka Khawaarijta, hirgalinta doorashooyinka iyo qorsheyaasha waaweyn ee muhiimka u ah ee dowlad-dhiska dalkeenna.

“Caqabadaha na hortaaggan ma fududa, howsha noo taallana ma yara, dhinac waxaan ka wajahaynaa cadow halis ku ah diinteenna, dhaqankeenna, dowladnimadeenna iyo jiritaankeenna ummadeed. Ayuu yiri R/Wasaaraha oo intaas ku daray.

“Dhinaca kale waxaan ka wadnaa dhisidda dowlad dimuqraadi ah, oo leh dastuur dhammeystiran, iyo xaqiijinta midnimada iyo gobonnimada dalkeenna, sidaas darteed “gacanna cadowgeenna ayaan kula dagaaleynaa, gacanna Qaranka ayaan ku dhisaynaa”.

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*