
Rubacii ugu danbeeyay ee qarnigii 19aad ilaa horaanta qarniga 20aad, waxa ay quwadaha Yurub isku fidinaayeen inay gacanta ku dhigaan Geeska Africa, ayada oo culimada islaamka ay noqdeen horjoogayaasha iyo hogaanka muqaawamada Soomaalida.

Waxa ay culimadaani difaaca dhulka muslimiinta u arkayeen waajib islaami ah, kaas oo lagaga soo horjeedo Kirishtaanka duulaanka ah; Talyaaniga, Ingiriiska, Faransiiska, iyo Itoobiyaanka. Waxaa fatradaani loo yaqiinay “Casriga Shuyuukhda”, sida uu u bixiyay barefasoor Saciid Samatar.
Hogaamiyaasha ugu caansan culimadaasi ee hubka qaatay waxay ahaayeen dhaqdhaqaaqii Daraawiishta, Sayid Maxmed Cabdulle Xasan (1856–1920); Sheikh Axmed Gabyoow, Hogaanka ee Iska-caabinta ee Warsheekh iyo Cadale (1844–1933); Hogaamiyhii Is-kacaabinta ee Biimaal, Sheekh Cabdi Abiikar Gafle (1852–1922); Sheikh Xasan Barsane (1852–1927); Sheekh Bashir Sheekh Xasan (1905–1945), iyo Sheikh Axmed Xaji Mahadi, hogaamiyaha dagaalka Lafoole ee ka dhnka ahaa Talyaaniga (1896), iyo qaar kale oo badan. Dhammaan culimadaani waxa ay wadaagaan inay leeyihiin khalfiya reer baadiyanimo, iyo inay ku abtirsadaan dariiqada Saalixiyada ee Suufiyada, taas oo saameyn weyn ku yeelatay adduun-aragooda iskacaabinta.
Dhanka kalena waxaa jiray taageero ballaaran culimada iskacaabinta nabdoon, gaar ahaan bulshooyinka beeraleyda iyo kuwa bartamaha magaalooyinka. Waxa uu ujeedku ahaa in la dhowro laguna dhaqmo dhaqanka islaamka, iyo dhisidda is-maamul gudeed ayada oo loo maraayo waxbarasho, wada-hadal, iyo dhisidda bulshada. Waxa uu hannaankoodu ahaa mid ka duwan kan mujaahidiinta hubeysan, balse marna ujeedkoodu iskama hor-imaanaynin, wax-biirintooda dhaqdhaqaaqa guud ee iskacaabinta na waxa uu ahaa mid sarreeyo oo aan la qiimeyn karin karin. Kooxda hubeysan iyo kuwa nabdoon ee Iska-caabinta waxay ahaayeen kuwa is dhameystiraayo oo muujinaayo wejiyo kala duwan kuna abtirsada halgan mid ah.
Giorgio Sorrentino, oo ahaa guddoomiye Talyaani ah oo loo magacaabay Banaadir kadib 1896, waxuu culimada nabadda jecel ku tilmaamay: “Culimada diinta waa kuwa ugu dhibaatada badan. Waxay faafinayaan naceybka diinta.” Sidoo kale, taariikhyahan Prof. Lee Cassanelli wuxuu sheegay in hoggaamiyeyaasha diinta, Koonfurta Sooomaaliya, inay safka hore kaga jireen iskacaabbinta gumeysiga.
Sheekh Xasan Barsane wuxuu ahaa hogaamiye gobannimadoon iyo mujaahid si adag uga hor yimid dhul-ballaarsiga Itoobiya iyo gumaysigii Talyaaniga. Inkastoo diiwaanno taariikheed oo ku saabsan nolosha iyo jihaadkii Sheekh Xasan Barsane aad u yar yihiin, haddana raadkiisa waxa uu baaqi ku yahay xasuusta dadka Soomaaliyeed.
Qormadan waxay isku dayeysaa in ay si kooban u dul istaagto, nolosha Sheekh Barsane, jihaadkiisa iyo iskacaabintiisii uu kaga hortagay halista mataanaha ah ee Itoobiya iyo Talyaaniga. Raadkiisu waxa uu dadka Soomaaliyeed sii xusuusinayaa xiriirka qotada dheer ee ka dhexeeya diinta Islaamka, dhaqanka, iyo siyaasadda iyo sida ay heegan ugu yihiin xorriyadooda.
Sheekh Xasan Barsane, sidoo kalena loo yaqaan Xaaji Xasan, waxa uu sanadkii 1853-dii ku dhashay tuulada Ubadi, taas oo 68 km dhanka galbeed kaga aadan magaalada Jowhar ee maamulka Hirshabeella ee Soomaaliya.
Taniyo yaraantiisa waxa uu Sheekh Barsane muujiyay sooc gaar ah dhanka waxbarashada Islaamiga. Waxa uu yaraantiisa xifdiyay Quraanka, taas oo ah guul weyn dhanka daraasda Islaamiga. Aabihiis waxa uu ahaa wadaad weyn iyo macallin dugsi, waxuuna ku beeray rabitaanka barashada diinta. Markii uu asaasiga xoojiyay, waxa uu sii watay barashada diinta, asiga oo xoogga saaray Fiqhiga Islaamka, Caqiiqada iyo Suufinimada. Si uu usii wato safaradiisa ruuxiga, waxa uu Sheekh Xasan Barsane u safray magaaalada Makkah si uu usoo guto Xaj, asiga oo maqnaa saddex sano taas oo u fududeysany inuu sii wato daraasadda diinta Islaamka iyo koriinshaha ruuxiga. Waxa uu Makkah kula kulmay, Sheekh Maxamed Saalax, madaxa dariiqada Saalixiyada ee Suufida, oo ah laan suufinimo oo utaagan dib-u-habeyn iyo dib-u-soo-nooleyn. Waqtigau u ku sugnaa Makkah waxa ay noloshiida kaga dhigneed bar isbeddel, taas oo siisay dhisidaa iyo barashada mabaadiida dariiqada Saalixiyada. Marka uu kusoo noqday Soomaaliya, waxa uu noqday mid kamid ah shakhsiyaadka ugu muhiimsan ee ka masuulka ka ah ku-fidinta gobolka dhaqdhaqaaqa Saalixiyada, taasoo dhiiragelinaysay dib-uhabeyn, cusboooneysiin akhlaaqeed, iyo iskacaabinta xoogaga gumeystaha.
Dariiqada Saalixiya waxa ay sumcad ballaaran ka dhex heshay Soomaaliya, taas oo ku timid kaalintooda ku aaddan iskacaabinta gumeysiga ee dhamaadka qarniga 19aad iyo horaanta qarniga 20aad. Si ka duwan Suufida kale ee xoogga saara ruuxiyaadka iyo iskacaabinta nabdoon, waxa ay Saalixiyada himilooyinka diineed ku lamaaniyeen ka-qeyb qaadashada siyaasadda iyo iskacaabin hubeysan ee ka dhanka gumeysiga shisheeya oo dalka isku sii fidinaayay. Dariiqadan waxay noqotay awood dhexe oo ka dhex muuqatay dhaqdhaqaaqyo badan oo gobannimo doon ah.
Dhanka kale, taniyo xukunkii Fashiistaha ee 1923dii, waxa uu maamulka Talyaaniga uu ahaa mid aan dhaafsiisneyn gobolka Benadir taas oo u suurtaglisay inay gacanta ku dhigaan magaalada xeebeedyada ku hareeraysan Muqdisho.
Si walbo ha noqoto ee marka laga reebo magaala xeebeedyadaasi, waxaa Talyaaniga ku adkaatay inay la wareegaan maamulka gobollada kale ee Soomaaliya. Dhulka bariga, gaar ahaan Bartamaha iyo Koonfurta Sooomaaliya, waxaa ka kacaamay dhaqdhaqaaqya iskacaabin oo ay hor-kacayaan hogaamiyaal sida Sheekh Xasan Barsane iyo hogaamiyaal kale oo maxalli ah kuwaas oo hirgaliyay is-maamul gudeed. Waxaa Talyaaniga ku adkaatay inay gacanta ku dhigaan gobolladaan, maadaama ay la kulmeen diidma xooggan oo dadka deegaanka ah, kuwaas oo ku gacan sayray inay ku hoos noolaan xulunka shisheeyaha. Waxa uu xukunkii Talyaaniga ee Banaadir astaan u ahaa dhaqan-gelinta siyaasadaha faashistaha laga bilaabo 1923, kuwaas oo loogu talagalay in lagu boobo kheyraadka dalka, lagu fuliyo nidaamkooda sharci, sidoo kalena la cadaadiyo koox kasta oo mucaarad ah.
AUN DHAMAAN INTA DALKA iyo dadka Somaliyeed u soo halgantay
La soco qeeybta Labaad………..
Waxaa qoray: Dr. Cabdiraxmaan Baadiyoow
Email: abdurahmanba@yahoo.com
Waxaa tarjumay: Axmed Dhuubow
Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag