October 7, 2025

Guardiola Oo City Ka Ceyrinaya Siddeed Ciyaartooy Oo Ay Ku Jiraan Xiddigo Waaweyn

 

Tababaraha Manchester City, Pep Guardiola, ayaa qorsheynaya inuu xagaagan iska fasaxo illaa sideed ciyaaryahan, sida ay warinayso The Sun.

Xiddiga ugu horreeya liiska la fasaxayo waa Jack Grealish, kaasoo Guardiola doonayo inuu ka takhaluso kahor xilli ciyaareedka cusub.

Grealish waxaa raaci kara Kevin De Bruyne, Bernardo Silva, John Stones, Mateo Kovacic, Ilkay Gundogan, iyo Ederson.

Sidoo kale, Kyle Walker, oo haatan amaah ugu maqan AC Milan, ayaa si rasmi ah kooxda uga tagi doona.

Guardiola ayaa doonaya inuu dib u dhiso kooxdiisa, kaddib markii ay si liidata ku billowdeen horyaalka Premier League isla markaana ay si lama filaan ah uga hareen Champions League.

Tan iyo markii uu Guardiola yimid Etihad Stadium sanadkii 2016, City ayaa noqotay kooxda ugu awoodda badan kubadda cagta Ingiriiska. Laakiin kooxdii guulaha waaweyn gaartay waxay u muuqataa inay burburayso.

Dhammaan ciyaartoyda la qorsheynayo in la iibiyo waa kuwo da’doodu ka weyn tahay 30, marka laga reebo Grealish, oo gaari doona da’daas bisha Sebtember.

City ayaa horay tallaabo ugu qaaday arrintan iyagoo bishii Janaayo keenay afar ciyaaryahan oo da’doodu ka hooseyso 26, balse waxay u muuqataa in kooxda ay weli u baahan tahay isbedel kale oo weyn

 

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*