
Weriyaha caanka ah ee reer Britain, Pete O’Rourke, ayaa shaaca ka qaaday war cusub oo ku saabsan suurtagalnimada uu weeraryahanka Napoli, Victor Osimhen, ugu dhaqaaqi karo kooxda Liverpool.

Sida uu sheegay O’Rourke, Osimhen ayaa xiiso ka helaya kooxo badan oo Yurub ah, waxaana ka mid ah Liverpool, gaar ahaan haddii uu Darwin Núñez ka tago kooxda xagaagan — arrin la rumeysan yahay iney suurtagal noqonayso.
“Victor Osimhen waxa uu galayaa sanadkiisii ugu dambeeyay ee qandaraaskiisa Napoli,” ayuu O’Rourke ka yiri barnaamijka Inside Track ee Football Insider.
Waxaa la sheegay in kooxda Galatasaray ay dooneyso inay si rasmi ah ula wareegto, halka Napoli ay ka doorbidayso inay hadda iibiso halkii ay si bilaash ah ku lumin lahayd.
Sidoo kale, kooxdu waxay la socotay in Al-Hilal u gudbisay xiddiga dalabyo dhowr ah, balse ciyaaryahanka laftiisa ayaa diiday isagoo doorbidaya inuu sii joogo Yurub.
Liverpool ayaa la rumeysan yahay inay si dhow ula socoto xaalada Osimhen, iyagoo u arka badal macquul ah haddii uu Núñez tago.
Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag