
R/Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa daah-furay imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyada sare ee dalka, kaas oo sanadkan ay u fariisanayaan in ka badan 39,000, arday oo ku kala sugan gobollada dalka.

R/Wasaaraha, ayaa sheegay in Xukuumadda DanQaran ay mudnaan gaar ah siineyso tayeynta waxbarashada dalka, isaga oo xusay in imtixaanka shahaadiga ah uu yahay mid muhiim u ah ardayda Soomaaliyeed iyo horumarka mustaqbalka dalka.
“Marka laga yimaado amniga, dowladdu waxa ay xoogga saartay sidii ay ubadka Soomaaliyeed u heli lahaayeen waxbarasho tayo leh, horumarsan oo la jaan-qaadaysa nidaamyada waxbarasho ee caalamka”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha.
R/Wasaare Xamsa, ayaa tilmaamay in Xukuumaddu ay guulo wax-ku-ool ah ka gaartay dib-u-habeynta iyo horumarinta nidaamka waxbarashada dalka, iyada oo la gaarsiiyey deegaannadii laga sifeeyey Khawaarijta adeegyadii kala duwanaa ee ay waxbarashadu ka mid tahay, si looga hortago amni darrada iyo jahliga.
R/Wasaare Xamsa Cabdi Barre , ayaa uga mahadceliyey ciidanka ammaanka kaalinta ay ka qaadanayaan xaqiijinta ammaanka goobaha lagu qaadayo imtixaanka iyo gaarsiinta warqadaha imtixaanka goobaha ka fog caasimadda, iyada oo la adeegsanayo diyaaradaha qummaatiga u kaca ee ciidanku ay leeyahay.
Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag