
Xiddiga da’da yar ee Barcelona, Lamine Yamal, ayaa sharaxay sababta uu u sii wadi doono in uu iska indhatiro isbarbardhigyada la xiriira Lionel Messi, isagoo sheegay in mar walba “weeraryahanka bidixda ka ciyaara” la barbar dhigo sumcadda Messi.

Waa sahlan tahay in la fahmo sababta xiddiggan da’da yar ee 17 jirka ah loogu arko inuu qayb ka yahay doodda sanadka 2025. Yamal oo ah guuleystaha Euroga ee Spain iyo sidoo kale mid haysta abaalmarinta Kopa Trophy iyo Golden Boy ayaa si weyn loo aamin san yahay.
Si kastaba, Yamal ma doonayo inuu la mideeyo naftiisa Messi oo ah halyeeyga reer Argentina. Waxa uu u sheegay Mundo Deportivo: “Nasiib wanaag, ma ahan aniga kaliya iney arrintan igu dhacday. Taas macnaheedu waa in dadku ay sidaas u arkaan markii ay arkaan weeraryahan bidixda ka ciyaara, ama mararka qaarkood kaliya haddii uu bidixda ka ciyaaro.”
“Waxaan isku dayaa inaan noqdo aniga. Mar walba waxaan dhahaa Messi waa ciyaaryahanka ugu fiican taariikhda, waxaana la ila barbardhigaa isaga taasoo muujinaysa in aan wax fiican sameynayo, laakiin waxaan isku dayaa inaan noqdo aniga. Waxaan doonayaa inaan sameysto dhabbo ii gaar ah oo aan wax walba u sameeyo maaliyaddan.”
Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag