
Dadka degaanka oo inta ugu badan sameeyay gurmadka inuu yaraado khasaaraha ayaa la sheegay inay gacanta ku dhigeen wadihii gaariga shilka geeystay oo isku dayay inuu baxsado.

Qaar kamid ah dadkii goobtaan soo gaaray ee shilka uu ka dhacay ayaa ka dalbaday dowladda Soomaaliya inay la timaado sharuuc lagu xakameenayo gawaarida waaweyn ee duuga ah lana hubiyo tayada gawaaridaasi hadii kale ay sii socon doonaan shilalka ay sababaan gawaaridaasi.
Ma ahan markii ugu horeeysay uu gaari xamuul noocani oo kale ah uu shil sidaan u naxdin leh uu ka geeysto magaalada Muqdisho, inta badan gawaarida waa weyn ee shilalka sababa ayaa waxa ay u badan yihiin kuwa ka shaqeeya gudaha Dekada magaalada Muqdisho iyo goobaha kaawooyinka laga qodo mana jirto ilaa hadda tallaabo cad ay Dowladda ka qaaday shilalka ay ka geeystaan caasimadda.
Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag