
Guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland, Faysal Shiikh Cali, ayaa markii ugu horreysay ka hadlay warar baraha bulshada ku faafay oo sheegaya in dad ka soo jeeda Koofur Galbeed si afduub ah loogu hayo magaalada Gaalkacyo.

Guddoomiye Faysal ayaa wararkaasi ku tilmaamay kuwo aan sal iyo raad toona lahayn, isagoo carrabka ku adkeeyay in dadkii la sheegay inay afduub yihiin ay yihiin ehelka qof 19 sano kahor ku dilay nin kasoo jeeda Gaalkacyo, falkaasi oo ka dhacay deegaanka Idaale ee gobolka Baay sannadkii 2007.
“Waa arrin qabiil ku heshiiyay, magtii waa la waayay, waxayna qoysku codsadeen in dadka la xiro ilaa laga helo magta. Ma jirto wax afduub ah ama sharci-darro ah,” ayuu yiri guddoomiyaha.
Waxa uu intaas ku daray in beelaha Koonfur Galbeed ay si rasmi ah u oggolaadeen tallaabadaasi, islamarkaana aysan jirin wax cabasho ah oo ka timid dhinaca qoysaska la xiran.
“Reer Baydhabo, reer Jowhar iyo reer Kismaayo waa isugu kaaya mid, waana ogol yihiin in si caddaalad ah wax loo xalliyo,” ayuu yiri Faysal Shiikh Cali.
Hadalkan ayaa imanaya xilli baraha bulshada si weyn looga hadal hayay kiiskan, iyadoo dadka qaar ay ku eedeeyeen maamulka Puntland inuu si sharci-darro ah dad ugu hayo xabsi, taas oo uu guddoomiyuhu si cad u beeniyay.
Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag