
Warbaahinta dalka Austria, ayaa ku warramaya in dad gaaraya 30 qof la dhigay isbitaallada, kadib markii saaka nin hubeysan uu rasaas oodda uga qaaday iskuul sare oo ku yaalla magaalada Graz ee dalkaas.

Tiradaan ayaa imaneysa iyadoo booliskuna ay sheegeen in dadka dhaawacmay ay ku jiraan dad dhaawacoodu yahay mid aad u daran.
Weli waxaa socda gurmadka iyo la taacalidda xaaladda ka dhalatay weerarka.
Iksuulka weerarku ka dhacay waxaa lagu magacaabaa Dreierschützengasse waa dugsi sare oo ku yaalla magaalada Graz.
Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag