
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa daawooyin ugu deeqay Ciidamada Difaaca Deegaanka ee ka bar-bar dagaalama Ciidamada Xooga dalka kuwooda ku sugan Gobolka Hiiraan.

Sida uu Sheegay Deeqdaan ayaa waxaa guddoomay Xildhibaanada kasoo jeeda Gobolka Hiiraan, iyadoona Duqa Muqdisho uu sheegay in ay ka go’an tahay taageerida iyo garab istaaga Ciidamada Qaranka iyo kuwa difaaca Deegaanada ee dagaalka kula jira kooxaha khawaarijta.
Dhanka kale Munaasabadda waxaa goobjoog ka ahaa Xoghayaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir, mas’uuliyiin kala duwan, Siyaasiyiin, Agaasimeyaal iyo qeybaha kala gedisan ee hormuudka Haweenka Gobolka Banaadir. Asigoo ku amray in sida ugu dhaqsiyaha badan loogu wareejiyo Ciidanka Difaaca beesha Xawaadle.
Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag