
War qoraal ah oo ka soo baxaya dowladda Soomaaliya ayaa ka hadashay howlgalka ay ciidamada Danab ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay hawlgal ka fuliyeen tuulada Gaalware oo 4 km dhanka bari kaga beegan deegaanka Sabiid iyo Caanoole ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Hawlgalkan ayaa lagu khaarijiyay in ka badan 25 ka tirsanaa Khawaarijta Al-Shabaab, oo ay ku jireen saddex horjoogayaal sare.
Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa had iyo goor ka go’an ciribtirka Khawaarijta iyo sugidda amniga guud ee dalka, iyada oo kaashaneysa Ciidanka Qalabka Sida iyo shacabka Soomaaliyeed.
Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag