October 7, 2025

Madaxweeyne Axmed Madoobe Oo Kulamo Ka Wada Nairobi ee Dalka Kenya

Madaxweynaha maamulka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam ayaa kulamo ka wada magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya, isaga oo la kulmay Xildhibaannada labada gole ee Baarlamaanka Federaalka iyo Siyaasiyiinta Mucaaradka.

Madaxweeyne Axmed Madoobe ayaa dhinacyada kala hadlaya xaaladda dalka gaar ahaan arrimaha doorashooyinka, xilli hore uu u sheegay in aysan raacsaneyn hannaanka ay Dowladda Federaalka u wado howlahaasi.

Kulankan ayaa ku soo aadaya xilli 15 Bishaan June loo balansanyahay gogosha wada tashiga  qaran ee uu madaxwayne Xasan Shiikh isugu yeeray madaxdii hore ee dalka tasoo xubnaha mucaaradku ay diidanyihiin qaabka loo maaraynayo Gogosha

Sidoo kale kulanka golaha wadatashiga qaranka ayaa dhicidoona 22 Bishaan June kasoo ay ka soo qaybgali madaxda dowladda iyo maamul goboleedyada

Lama oga in Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam uu ka qabgali doono kulankaas iyo in kale.

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*