December 1, 2025

Dagaal Culus Oo Ka Socda Degaanka Ceelhareeri iyo Macawisley….

Ciidamada Xoogga iyo kuwa degaanka ee gobolka Hiiraan ayaa saaka dhowr jiho ah ka weeraray aagga deegaanka Ceel-hareeri oo hoos taga degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan halkasoo ay ku sugnaayeen xoogaga Al shabaab.

Saraakiisha Xoogga iyo kuwa deegaanka ee howlgalladaas hoggaaminaya ayaa sheegay inay khasaare culus gaarsiiyeen Al shabaab kana saareen godadkii ay ku isku urursanayeen

Dagaalka ayaa lasoo sheegaya inuu yahay mid aad u xoogan oo labada dhinac isku adeegsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan, isla markaana dhawaqa hubka culus ee dagaalka laga maqlayo deegaano ka fog fog Ceel hareeri.

Waxaa lasoo warinaya khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh inuu ka dhashay dagaalka haatan socda, hayeshee lama xaqiijin karo inta uu dhan yahay khasaaraha dagaalka u dhaxeeya Macawiisleeyda iyo Al-shabaab.

Dagaalkaan hadda ka socda duuleedka Ceel hareeri ayaa kusoo aadaya, iyo maalin ka hor in u dhaxeysa Ceel hareeri iyo Garas magan lagu dilay horjoogayaal iyo maleeshiyaad badan oo ka tirsana kooxda oo uu ka mid ahaa horjoogahii ugu halista badnaa Al-shabaab ee deegaanada maamul goboleedyada Galmudug iyo Hirshabeelle oo lagu magacaabi jiray Nuur Cabdi Rooble Nuunuule..

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*