October 7, 2025

Kooxo Hubeysan Oo Labo Dhalin yaro ah Ku Dilay Magaalada Gaalkacyo

Kooxo  hubeysan ayaa  xalay Magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug  ku dilay laba dhalinyaro ah oo lagu kala Magacaabo Saciid Gurre Cali  iyo gabar la socotay oo lagu magacaabi jiray Canab Burhaan Maxamed Cali, kadib markii ay weerar qorsheysan ku qaadeen dableeydaasi.

Weerarkan ayaa ka dhacay meel ku dhow Beerta Bilan oo ku taalla dhinaca waqooyi ee magaalada Gaalkacyo.

Kooxdaani Hubeeysan ayaa Beegsaday  Baabuur ay saarnaayeen Labada dhalinyaro  ee la dilay AUN

Sidoo kale Goobta uu falku ka dhacay ayaa ah inta u dhaxeysa Beerta Bilan iyo Kaamka Tawakal ee duleedka magaalada Gaalkacyo qeybta uu ka taliyo maamulka Puntland.

Allaha u naxariistee labadii ruux ee saarna gaariga ayaa halkaas ku nafwaayey.

Dhanka kale Ma cadda illaa hadda sababta keentay weerarkan ay ku naf waayeen labada ruux, waxaase loo malaynayaa inuu salka ku hayo dilalka la xiriira aanooyinka qabiilka.

Ma jiro weli wax war ah oo ka soo baxay laamaha ammaanka. Waa Nasiib Daro weeyn ayadoo ay tahay Maalin Ciid ah in dhalinyaro aan danbi galin loo dilo aano qaabiil-

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*