January 16, 2026

Dil Ka Dhacay Degmada Deeyniile Iyo Warbixino Laga Helayo……

Wararka ayaa sheegaya in  Agaasimihii Dalxiiska ee Degmada Deyniile Cabdalla Sheekh Ibrahim uu u  geeriyooday  dhaawac kasoo gaaray weerar uu kala kulmay Koox burcad ah, xili uu marayay xaafad ka tirsan degmada Deyniile ee Gobolka Banaadir.

Weerarka ayaa waxaa uu ka dhacay  xaafada Cali Booy ee Degmda Deyniile iyagoo ka qaatay Mobile kii iyo bastoolad uu watay kadibna ay goobta iskaga baxsadeen.

Maleeshiyaadka hubeysan ee dilka geystay ayaa goobta ka baxsatay, waxaana Degmada ka bilaawday howlgal kooxda Burcada ah lagu baadi goobayo.

Agaasimihii geeriyooday ayaa la sheegay in rasaasta ay ugu dhacday Xabadka iyo madaxa, taasi oo keentay inuu geeriyooday.

 

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*