October 7, 2025

Nin u Qaabishaana Tashkiilinta Alshabaab Iyo Saraakiil Ciidan oo Xukun Lagu Riday

Maxkamada Ciidanka Qalabka Sida Somaliya ayaa Xakun Ku Riday Muxudiin Cabdisalaan Maxamuud “Daqare” ayaa lagu xukumay xabsi daa’in kaddib markii Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ay ku heshay dambiyo la xiriira ku biirista kooxda Shabaab iyo tashkiilinta saraakiil ciidan oo uu ku qanciyay inay kooxdaas ku biiraan.

Muxudiin Daqare ayaa tan iyo 2009 ku hawlanaa marin habaabinta dadka, gaar ahaan caruur iyo xubno ka tirsanaa ciidamada, isagoo kaalin weyn ku lahaa weerarro ay kamid yihiin qaraxyadii Muqdisho Mall iyo weerarkii garoonka Aden Cade.

Dadka uu ku daray Shabaab waxaa kamid ahaa Ex Dhamme Shariif Jeego, Ex Dable Maxamed Biyamaaloow, iyo Cabdi Xakiin Axmed Diini (Wadne), oo isna lagu xukumay 4 sano xabsi argagixisanimo ah.

Muxudiin Daqare iyo kooxda uu tashkiiliyay ayaa la tuhunsanaa inay ka shaqeeynayeen soo gelinta magaalada Muqdisho  gaadiidka qaraxyada, iyagoo ka faa’iideysanayay aqoonsiyo ciidan.

Xukunka waxaa ku dhawaaqay Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada, G/sare Xasan Cali Nuur Shuute, kadib baaris dheer iyo dhageysi rasmi ah oo labada dhinac la siiyay waqti buuxa.

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*