
Milkilaha “X” Elon Musk Oo Ka Mid ah Maalqabeenada dunida lehna shirkadaha Tesla iyo SpaceX ayaa aad u dhaliilay miisaaniyad cusub oo ay diyaariyeen Maamulka Madaxweyne Trump.

Elon Musk ayaa La Sheegay In dhowaan iska casilay xil uu ka hayay Maamulka Trump ayaa qoraallo uu soo dhigay baraha bulshada ku sheegay in miisaaniyaddan ay tahay mid xun, kuna jiraan waxyaabo aan muhiim ahayn.
Sidoo kale Wuxuu yiri: “Waan ka xumahay, laakiin ma sii aamusi karo. Miisaaniyadda cusub waa mid lacag badan lagu bixinayo wax aan muhiim ahayn. Waa ceeb. Kuwii u codeeyay way og yihiin inay khaldeen.”
Elon Musk ayaa sheegay in miisaaniyaddan cusub ee Mareeykanka ay kordhin doonto deynta Mareykanka, taasoo khatar ku noqon karta dhaqaalaha mustaqbalka.
Elon Musk, oo mar hore xiriir wanaagsan la lahaa Trump, hadda wuxuu si cad uga soo horjeestay qorshayaashiisa. Arrintan waxay muujinaysaa in khilaaf soo kala dhex galay Maalqabeenka iyo Madaxweyne Trump.
Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag