October 7, 2025

Madaxweye Xasan Oo warqadaha Ka Gudoomay Safiirka Cusub ee Ingiriiska

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta ku qaabilay Madaxtooyada Qaranka Safiirka cusub ee Boqortooyada Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya, Danjire Charles King.

Madaxweynaha iyo Safiirka ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka saaxiibtinimo ee ka dhexeeya labada dal, horumarinta iskaashiga dhinacyada dhaqaalaha, adeegyada bulshada, iyo amniga.

Intii uu kulanku socday, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa si rasmi ah uga guddoomay warqadaha aqoonsiga danjirenimo ee Safiir Charles King. Danjiruhu wuxuu dhankiisa uga mahadceliyey Madaxweynaha Soomaaliya soo dhaweynta milgaha leh iyo qaabilaadda diirran ee loo sameeyey.

 

May be an image of 2 people, the Oval Office, dais, newsroom and text

May be an image of 3 people and dais

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*