October 7, 2025

Maxay Tahay Sababta loo bedelay Garsoorihii Kulanka Aston Villa Iyo Liverpool?

Stuart Attwell ayaa laga beddelay inuu garsoore ka noqdo kulanka Aston Villa iyo Liverpool ee Premier Leagu  ee habeenka Arbacada, waxaana lagu bedelay Craig Pawson.

42-jirkan ayaa markii hore loo qorsheeyay inuu qabto ciyaartan, balse waxaa si lama filaan ah loogu bedelay Pawson, kaasoo markii hore loo qorsheeyay inuu garsooro ciyaarta Leeds United vs Sunderland AFC ee Championship-ka habeenkii Isniinta.

Si kastaba ha ahaatee, Pawson ayaa la bedelay ka hor inta aysan ciyaartaas bilaaban, kaddib markii taageerayaal su’aalo ka keeneen go’aanka lagu soo doortay garsooraha.Waxaa lagu eedeeyay in Pawson uu taageere u yahay Sheffield United.

Laakiin warbaahinta UK Mirror ayaa werisay in isbeddelka uusan la xiriirin wax daneyn gaar ah, balse ay tahay arrin la xiriirta jadwalka garsoorayaasha.

Pawson ayaa haatan garsoori doona kulanka Aston Villa iyo Liverpool, ee ka dhici doona Villa Park.

Liverpool Oo Raadineysa Inay Hogaanka Dheereysato

Liverpool waxay dooneysaa inay sii dheereysato hoggaanka horyaalka Premier League.

Kooxda uu hogaamiyo Arne Slot ayaa guuleysatay 18 kulan 25-kii ciyaar ee ay xilli-ciyaareedkan dheeleen, iyadoo guuldarrada kaliya ee horyaalka ay kasoo gaartay Nottingham Forest bishii Sebtember.

Dhanka kale, Aston Villa oo ku jirta kaalinta 9-aad ayaa rajeynaysa inay sii wadato dagaalka ay ugu jirto boosaska yurub, iyadoo 5-dhibcood u jirta booska u qalma Europa League,halka 6-dhibcood ay ka hooseyso booska  Chanpions League

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*