
R/Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa u ambabaxay dalka Jabuuti, kadib markii casuumaad rasmi ah uu ka helay Madaxweynaha Dalkaas, Ismaïl Omar Guelleh.

Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa ka mid ah wasiiro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, waxaana ujeedkoodu yahay in ay xoojiyaan xiriirka ka dhexeeya labada dal.
Inta uu ku sugan yahay Jabuuti, Ra’iisul Wasaaraha iyo madaxda dalkaas ayaa ka wada hadli doona arrimo dhowr ah oo muhiim ah, sida amniga, dhaqaalaha khataraha amni ee soo wajahaya dalalka Geeska Afrika
Sidoo kale, waxaa si gaar ah looga wada hadli doonaa sidii labada dal uga wada shaqeyn lahaayeen xoojinta nabadgelyada gobolka iyo ka hortagga khataraha amni ee soo wajahaya dalalka Geeska Afrika.
Sidoo kale Labada dhinac ayaa ka wadahadli doona fursadaha dhaqaale ee labada dal u dhexeeya iyo sidii loo horumarin lahaa iskaashiga dhaqaale ee mustaqbalka.
Waxaana si qoto dheer looga Hadli doonaa xiriirka qotada dheer ee labada dal iyo sidii loo xoojin lahaa iskaashiga dhinacyada kala duwan sida bulshada, dhaqanka, iyo horumarka guud.
Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag