October 7, 2025

War-murtiyeed laga soo saaray Shirkii Mucaaradka uga socday Muqdisho

Waxaa goordhaw war-saxaafadeed laga soo saaray shirkii siyaasiyiinta mucaaradka maalmihii lasoo dhaafay uga socday hotelka Jasiira ee magaalada Muqdisho, shirkaas oo looga hadlayay xaalada siyaasadeed ee dalka , gaar ahaan arrimaha doorashooyinka iyo xilliga kala guurka.

War-murtiyeedka goordhaw kasoo baxay mucaaradka, ayaa lagu cambaareeyay ku takrifalka awoodaha dowladda iyo musuqmaasuqa , eexda iyo boobka hantida dadweynaha iyo heshiisyada qarsoodiga ee kheyraadka dabiiciga uu dalku leeyahay.

Waxaa sidoo kale war-murtiyeedka walaac xooggan looga muujiyay muddo kororsiga sharcidarada ah ay sameesteen madaxda maamul goboleedyada Hirshabelle, Galmudug iyo Koonfur Galbeed iyo ku biirista madaxda xisbiga uu Madaxweynaha hoggaamiyo.

 

   

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*