
Shirka hoggaamiyeyaasha Mucaaradka ayaa galay maalintii Seddexaad, waxaana la filaya in maanta gelinka dambe ay Warmurtiyeedka ka soo saaraan shirkooda.

Maanta ayaa waxaa shirka ku soo biiray hoggaanka Haweenka Soomaaliyeed, waxay ka aragti dhiibanayaan fikirkooda ku aadan sida ugu haboon ee loogu heshiin karo doorashooyinka.
Kulamada marka ay dhammeeyaan siyaasiyiinta mucaaradka ayaa lagu wadaa in ay soo saaraan Warmurtiyeedka culus oo lagu cadeynayo mowqifkooda siyaasadeed.
Dhanka kale Shacabka Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamka ayaa indhaha ku hayso natiijada ka soo bixi doono shirka weli u socda hoggaamiyeyaasha Mucaaradka ah.
Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag