October 7, 2025

Ciidamo Dabley ah weerartay xabsiga waqooyiga Gaalkacyo ee Puntland

Dabley hubeysan ayaa saaka weerartay xabsiga waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ee Maamulka Puntland, iyadoo uu ujeedkoodu ahaa in ay xabsiga kala baxaan nin ku xukunaa dil toogasho.

Weerarkooda ayaa yimid, ka dib markii ay ogaadeen in saaka ninkaasi lagu toogan doono fagaare ku yaala duleedka magaalada.

Ciidanka ilaalada xabsiga ayaa raggaasi ka hortagey in ay xoog ku galaan xabsiga, taas oo keentay in iska horimaad uu halkaasi ku dhex maro.

Dadka deegaanka ayaa soo sheegaya in rasaas laga maqlay aagga xabsiga, welina ay xiisaddu u muuqato inay taagan tahay.

Wararka ayaa sheegaya in maleeshiyadan oo qaab beeleed u abaabulan ay ku sugan yihiin nawaaxiga xabsiga ugu weyn Gobolka Mudug ee qaybta Puntland.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in odayaasha iyo waxgaradka magaalada ay wadaan dadaalo lagu dejinayo xiisadda.

Dhanka kale Ma cadda waxa uu ninkaasi ahaa iyo haddii uu ka tirsan yahay kooxaha hubeysan ee dalka ka dagaalama.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in ninkaasi uu yahay nin dilay xaaskiisii hore, kaas oo Maxkamadda Sare ee Puntland ay bishii August ee sanadkii hore ku xukuntay xukun dil toogasho ah.

Weerarkan ayaa carqaladeeyay xukunkii dilka ahaa ee la filayay in Khamiistan lagu fulin doono ninka la doonayay in laga fakiyo xabsiga.

Masuuliyiinta Puntland iyo laamaha amniga ayaan weli ka hadlin weerarka saaka lagu qaaday xabsigaasi.

Illaa laba qof ayay wararku sheegayaan in ay ku dhaawacmeen iska horimaadkaasi.

10-kii bishii January ayay maleeshiyaad hubeysan sidaan oo kale u weerareen xabsigaasi.

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*