October 7, 2025

Maxay Ka Wada Hadleen Guddomiye Aden Madobe Iyo Madaxweynaha SSC Khatuma

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya  Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka SSC-Khaatumo Cabdulqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye) oo ay wehliyaan masuuliyiin ka tirsan maamulkaas.

Hoggaamiyaha dowlad goboleedka SSC-Khaatumo ayaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka warbixin kooban ka siiyay howlaha maamulka SSC-Khaatumo iyo shaqada uu u hayo bulshada ku nool deegaanadda maamulkaasi.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya  Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ugu horreyn bogaadiyay dowlad goboleedka SSC-Khaatumo iyo shacabka deeganadaasi, ayaa kula dardaarmay hoggaamiyaha SSC-Khaatumo howlaha uu haayo maamulkiisa iyo sidoo kale sida ay muhiim u tahay dhameystirka maamulkaasi.

Kulanka waxaa ka qeyb galay habdhowre ku-xigeenka golaha shacabka Xildhibaan Sahra Bundubte, xoghayaha guud ee Golaha Shacabka Cabdiraxmaan Maxamed Cabdulle (Jaabiri) iyo sidoo kale Xildhibaanno ka tirsan golaha shacabka.

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*