October 7, 2025

General Maxamed Siciid Morgan oo geeriyooday AUN

Janaraal Maxamed Siciid Xirsi Moorgan ayaa ku geeriyooday magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkaasi oo la sheegay inuu ku xanuunsanaa muddooyinkii danbe sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Punland.

General Morgan wuxuu taariikh dheer ku lahaa Ciidanka Xoogga Somalia isagoo xilal kala duwan ka soo qabtay.

Waxa uu ka mid ahaa saraakiishii Soomaaliyeed oo iyagoo dhalinyaro ah dalka dibadiisa tababaro milatari ku soo qaatay.

Tan iyo dagaaladii sokeeye kadib General Morgan waxa uu ku noolaa dalka gudihiisa mana ahayn saraakiisha dalka ka baxsatay.

Wuxuu la taliye amni haddeer u ahaa Puntland oo uu qayb weyn ka ahaa dagaalka lagula jiro Daacish, Samir iyo iimaan dhammaan qoyska, ehelka iyo Soomaalidaba.” Ayuu wasiirka arrimaha gudaha Puntland Cabdi Faarax Juxa ku qoray bartiisa Facebook.

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*