October 7, 2025

Maxkamada Ciidanka Oo Dil Toogasho Ku Xakuntay Askari Dilay Askari kale

Maxkamada Darajada koowaad ee ciidamada Qalabka sida ayaa maanta dil toogasho ah ku xukuntay Dable Xoogga C/qaadir Xaaji Yuusuf oo ah qisaasta Marxuum Ex dable Xoogga Ismaaciil Xasan Ibrahim Macawiisleey.

Qoraal ka soo baxay maxkamada darajada koowaad ee ciidamada Qalabka sida ayaa u qornaa sidan:-

Dable Xoogga Cabdiqaadir Xaaji Yuusuf, ayaa loo soo xiray dilka saaxiibkiis kala tirsanaa Ururka 222 aad, Guutada 22aad ee Boliis milataara Marxuum Ex dable Xoogga Ismaaciil Xasan Ibrahim Macawiisleey.

Dilkaan, ayaa ka dhashay Muran ka billowday Xabad sigaar ah, waxaana uu ka dhacay xerada dhista ee degmadda Deyniile, Toban iyo Todobadii bishii Labaad ee Sanadkaan.

Baaris dheer kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada QS, ayaa codsaday qaadista kiiskaan, waxaana laga oggolaaday Seddex iyo Tobankii Bishaan.

Garsoorka Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida oo waqti ku filan siiyey dhinacyadda dacwadda ayaa ugu dambeyn maanta ku xukuntay Dable Xoogga C/qaadir Xaaji Yuusuf Dil toogasho ahna qisaasta Marxuum Ex dable Xoogga Ismaaciil Xasan Ibrahim Macawiisleey.

Sida uu warbaahinta u sheegay G/Sare Xasan Cali Nuur Shuute, Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada qalabka sida.

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*