October 7, 2025

Ex R/Wasaare Hore Kheyre oo cambaareeyay cabsigelinta lagu hayo shacabka degan degmada Kaxda

R/Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa Soo  saaray qoraal adag  waxaana  uu si adag u cambaareeyay cabsigelinta lagu hayo shacabka degan degmada Kaxda ee gobolka Banaadir.

“Waxaan si adag u cambaareynayaa falalka xadgudubka, cabsigalinta, iyo qafaalka ah ee Dowladdu ka waddo degmada Kaxda ee Gobolka Banaadir, si ay dowladdu shacabka degmada ugu qasabto in ay iska diiwaangeeliyaan doorashooyinka macmalka ah ee uu ku riyoonayo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.” ayuu ku yiri qoraalkiisa.

Sidoo kale Ex R/Wasaare Hore Xasan Cali Kheyre ayaa waxaa qoraalkiisa uu ku sheegay”Cabsigalinta iyo qafaalka ka socda goobaha waxbarashada, ganacsiyada, iyo suuqyada degmada Kaxda waa isku-day gurracan oo xadgudub ku ah xuquuqda muwaadiniinta, dhaqanka dowladnimada, shuruucda dalka, iyo xeerarka caalamiga ah. Waxaana ayaandarro ah in ciidamadii amniga loo adeegsanayo jajuubka, cabsigalinta, iyo qafaalka shacabka degmada Kaxda.”

Waxaa uu sidoo kale qoraalkiisa uu ku soo gabagabeeyay R/wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre” Waxaan Madaxweyne Xasan Sheekh ugu baaqayaa in uu degdeg uga laabto amarka uu bixiyay ee lagu caburinayo dadweynaha degmada Kaxda, kana joogsado doorashada aan heshiiska ahayn ee uu ku riyoonayo, taas oo halis ku ah midnimada, wadajirka ummadda, iyo xasilloonida dalka

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*