October 7, 2025

Dowladadha Soomaaliya iyo Masar oo ka wada-hadlay xoojinta xiriirka iskaashiga iyo difaaca labada dal

Wasiirka Gaashaandhigga Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa khadka taleefoonka kula hadlay Wasiirka Difaaca ee Jamhuuriyadda Masar, Sarreeye Gaas Cabdilmajiid Saqar.

Intii uu socday wadahadalku, labada dhinac waxa ay ka wada-hadleen xoojinta iskaashiga labada dal ee dhinaca difaaca iyo ciidamada dalka Masar ee qeybta ah hawlgalka ciidamada AUSSOM iyaga oo sidoo kale isla eegay hindisayaal wadajir ah oo lagu taageerayo kor u qaadidda tayada ciidamada Soomaaliya.

Sidoo kale Labada wasiir waxa ay hoosta ka xariiqeen xoojinta xiriirka walaaltinimo ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Masar, waxayna muujiyeen sida ay uga go’an tahay in la ballaariyo iskaashiga labada dal ee dhinacyada danaha wadaagga ah.

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*