October 7, 2025

Booliska Soomaaliya oo gacanta ku dhigay Ninkii dilay Ciyaaryahankii hore ee Qaranka

Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa Saldhigga Booliska degmada Hodan ee gobolka Banaadir ku soo xiray, Shariif Maxamed Axmed oo ku eedeysan inuu dilay Marxuum Cabdifitaax Cabdi Cismaan oo ahaa ciyaaryahan horay kubadda Qaranka ugu soo cayaaray.

Taliyaha qeybta guud ee Booliska Gobolka Banaadir Korneyl Mahdi Cumar Muumin oo shaaciyey soo qabashada eedeysana ayaa balanqaaday in la horgeyn doono Maxakamadda awooda u leh.

Marxuumka oo ahaa wiil dhalinyar ayaa la sheegay in ifka uu kaga tegay shan gabdhood, waxaana maanta dilkiisa aad uga damqaday oo warbaahinta la hadlay bahda ciyaaraha iyo ehellada marxuumka.

“Ciidanka Booliska Soomaaliyeed  gaar ahaan Saldhigga Boliiska Hodan ayaa soo xiray, eedeysane  Shariif Maxamed Axmed oo dil u geystay  Marxuum C/Fitaax Cabdi Cismaan (Carab) Waxaana la horgeyndoonaa Maxakamadda Awooda uleh” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo ka soo baxay Booliska

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*