October 7, 2025

Mustaqbalka Bruno Fernandes Ee Man United Oo Looga Walaacsan Yahay Sababtan Aawgeed

Bruno Fernandes ayaa la siiyay waqti kama dambeys ah usbuuca dambe si uu go’aan uga gaaro mustaqbalkiisa Manchester United iyadoo lala xiriirinayo heshiis qaali ah oo gaaraya £200 milyan oo uu ugu biirayo kooxda Sucuudiga ee Al-Hilal, sida uu sheegay wargeyska Daily Mail.

Kooxda Al-Hilal ayaa si weyn u dooneysa inay saxiixa Fernandes dhameystirto ka hor Koobka Adduunka ee Kooxaha bisha soo socota, waxaana ay rabaan jawaab rasmi ah kahor dhammaadka bisha May. Waxaa la rumeysan yahay inay si aad ah ugu kalsoon yihiin inay ku qancin karaan kabtanka United inuu ka tago Old Trafford.

Al-Hilal ayaa diyaar u ah inay Manchester United siiso lacag ku dhow £100 milyan oo guno wareejin ah, halka ay Fernandes u bandhigeen qandaraas saddex sano ah oo uu toddobaadkii ku qaadan doono £700,000, taasoo sanadkii gaari karta ilaa £65 milyan marka la isku daro gunnooyinka iyo dhiirrigelinta kale.

Ilo wareedyo ka tirsan Manchester United ayaa mar kale xaqiijiyay in kooxda aysan dooneynin inay iibiso kabtankeeda iyo ciyaaryahankeeda muhiimka ah. Si kastaba ha ahaatee, kooxda ayaa wajahaysa culaysyo dhaqaale kaddib guuldaradii ay kala kulmeen Tottenham kulankii kama dambeynta ahaa ee Europa League, taasoo sababatay in la waayo £100 milyan oo dakhli ah oo ka imaan lahaa Champions League.

Al-Hilal ayaa qorsheynaysa inay soo bandhigto dalabkoodii ugu dambeeyay maalmaha soo socda, waxayna Fernandes siin doonaan 72 saacadood oo uu kaga jawaabayo, ka hor inta aysan u gudbin bartilmaameedyadooda kale ee suuqa kala iibsiga.

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*