October 7, 2025

Dowladaha Ruushka iyo Ukraine oo is dhaafsaday maxaabiis dagaalka

Wararka ayaa sheegaya in  Ruushka iyo Ukraine In Maalintii  Jimcaha  aheyd is dhaafsadeeyn maxaabiis badan oo ay kala qabsadeen dagaalka u dhaxeeya milatariga labada Wadan ee ka socday gudaha Ukraine.

Wadamada Ruushka iyo Ukraine  ayaana is dhaafaaday 270 maxbuus oo dagaal, iyadoo labada dhinac mid walba uu sii daayay 270 maxbuus, halka sidoo kale ay is dhaafsadeeb 120 maxbuus oo rayid ah labada dhinac kala heesteen.

Sidoo kale Maxaabiista labada dhinac ay  is dhaafsadeen ayaa  si weyn looga soo dhaweeyay labada dal, waxaana maxaabiista lasii daayay wajiyadooda ka muuqday farxad badan oo ku aadan in dib u heleen xuriyadooda.

Sii deynta maxaabiista ayaa qeyb ka ah heshiiskii magaalada Istanbul ee dalka Turkiga ku gaareen labada dhinac 16 kii bishan May, waxaana  la filayaa in labada dal kun maxbuus oo kale in ay is dhaafsadaan. Maal maha soo socda.

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*